Dowladda federaalka oo war cusub kasoo saartay howl-galo ay wadaan ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howl-galo ay ciidamka xooga dalka ka wado deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladooda amaan.

Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa bogaadiyey guulo uu sheegay inay soo hooyeen ciidamada qaranka, oo uu ku amaanay gacanta ay ka geeysteen xoreynta dalka.

Waxa uu shaaciyey in ciidamada dowladda ay saaka howl-galo kula wareegen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo hore gacanta ugu jiray dagaal-yahanada Al-Shabaab.

“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeena waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud, maamulka, shacabka iyo mas’uuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin,” ayuu yiri

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in ciidamada xooga dalka ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda.”

Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo ay sameeyen saaka kula wareegay deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay hore uga talin jirtay Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa culeys dhanka amaanka ah wajahaya, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in dib loo xoreeyo deegaano badan oo ay gacanta ku hayaan Shabaabku.