Musharaxiinta oo war kasoo saaray shirka Afisyoone, shaaciyey toddoba tallaabo ‘oo uu qaaday’ FARMAAJO

Muqdisho (Casimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban todoba qodob ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in carqaladeyn joogto ah uu ku hayo wadahadallada lagu baadi goobayo doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah dalkan uga dhacda.

Guluhu waxa uu qoraalkan ku sheegay in ujeedada uu madaxweyne Farmaajo ka leeyahay carqaladeyntaas ay tahay, inuu sameysto muddo kororsi khilaafsan dastuurka, tallaabadaas oo halis ku ah xasiloonida dalka.

“Ujeedkiisu waxa uu ahaa in shirka u dhexeeya madaxda dawlad goboleedyada iyo dowladda federaalka uusan miro dhalin. Waxaana caddayn u ah in wasiirkiisa warfaafinta uu farriin maalmo ka hor la duubay ku eedeeyey fashilka shirka madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qodobada ay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen waxaa kaloo ka mid ah, Inuu carqaladeeyey in ay natiijo ka soo baxdo shirar hor dhac ah oo ay dawlad goboleedyada shanta ah uga heshiin lahaayeen ajandaha shirka iyo dadaallo ay wadeen xubnaha beesha caalamka oo lagu kulansiin lahaa ra’iisal waasaraaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo madaxda dawlad goboleedyada.

Sidoo kale golaha qoraalkan soo saaray ee Midowga Musharaxiinta ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ku eedeeyey. Inuu amray in mas’uuliyadda amniga garoonka diyaaradaha laga wareejiyo Booliska kastamka oo weligiis gacanta ku hayn jiray, laguna wareejiyo ciidanka Haramcad, si uu khalkhal u geliyo amniga wafuudda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, loogana hor istaago kulammada ay la yeelanayaan siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo qaybaha kale ee bulshada.

“Goluhu wuxuu ku ammaanayaa madaxda dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhabar adayga iyo sabarka ay muujiyeen, welina ay diyaar u yihiin in shirku sii socdo, si loo helo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku dhawaaqay in shirkii burburay,” ayaa lagu yiri qoralka midowga musharaxiinta.

Ugu danbeyntii Golaha oo bogaadiyey dadaalka ay beesha caalarnku ugu jirto in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda. Hadii aysan taasi dhicina ay umadda Soornaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynayaan in madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda fashlika ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo.