Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo qarax lagu dilay

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada oo xalay ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada NISA ee ka howlgala magaaladaas iyo deegaanada ku hareereysan.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Cusmaan Cali Bitooni oo loo yaqaanay (Taliye Kush-gale), kaas oo isla goobta ku geeriyooday.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale la dhashay gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Marka Maxamed Cusmaan cali ( Yariisow), sida ay innoo xaqiijiyeem ilo wareedyadu.

Sidoo kale waxaa qaraxaan uu dhaawac kasoo gaaray qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad kale oo shacab ah oo marayay waddada dhinaceeda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ay dad kusoo qab qabteen ka sameeyay halkaasi, ayada oo dhowr qof loo xiray tuhun la xariira qaraxa lagu dilay sarkaallaasi.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay ku dishay mid kamid ah saraakiisha Nabad Sugidda ee Marka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga iyo maamulka degmadaasi oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Marka waxaa ku badan qaraxyada, waxayna aheyd dhowaan markii laba qarax oo miino ahaa laga soo saaray ilinka hore ee xarunta degmadaas oo ah caasimada gobolka Shabeelaha Hoose.