Sarkaal ka tirsanaa xoogga dalka iyo gabdhihiisa oo si yaab leh loogu dilay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Kismaayo lagu dilay Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, sarkaalka iyo labadaas gabdhood waxaa lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.

Sidoo kale seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa baritaano culus ka wada xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan.

Dhanka kale waxaa caawa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu dilay Cabdirashiid Muxumed oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay kursiga HOP058, kaas oo Cabdullaahi Sanbaloolshe uu ku geystay sanadkaan.

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa dishay marxuumka, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda loo soo qabtay dilka Cabdirashiid, kooxda Al-Shabaab ayaa beegsata ergada soo doorata xildhibaanada Soomaaliya.