26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Waxaa is-dilay sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca ammaanka ee kooxda A….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Luuq (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu xaley isku dilay sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca ammaanka ee maamulka Ahlu Sunna.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ganeey Cabduqaadir ayaa la sheegay in uu isku dilay gurrigiisa oo ku yaalla degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa maqlay rasaas xooggan oo saqdii dhexe ka dhaceysa gurriga uu daggan yahay sarkalakan, sidda ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga wax yaabaha uu isku dilay sarkaalkan, balse ilo xog ogaal ah oo u warramay Caasimada Online, ayaa u xaqiijiyay in uu jiray khilaaf ka dhexeyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna oo ku aadan sababta uu isku dilay sarkaalkii ugu sareeyay ee dhinaca ammaanka maamulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News