Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniistaha caanka ah Amiin Arts ayaa waxa uu is bar-bar dhig ku sameeyay Booqashadii Erdogaan uu ku imaaday magaalada Muqdisho sanadka 2011 Iyo 2015.
Farshaxaniistaha ayaa waxa uu Sawirkiisa ku muujiyay in Erdogaan uu Somalia ka samatabixiyay xili dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ehel u noqdeen Abaaro, xanuuno ka dhashay baahida.
Waxa uu sidoo kale, sawirka ku muujiyay in Somalia ay ka hanaqaaday halkii ay taagneyd sanadkii 2011, islamarkaana uu dalka galay xaalado isugu jira nolol iyo amaan.


