XASAN oo laga sameeyay sawir gacmeed cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniistaha Caanka ah ee Amin arts ayaa sawir gacmeed muujinaayo quuska Madaxweyne Xassan Sheekh ka sameeyay Mooshinka ka yaalla Xarunta Golaha shacabka.

Sawirka ayaa waxaa lagu muujiyay Xassan Sheekh oo kusii mirqaayo Bohol ay biyo ka buuxaan, balse aan garaneynin qaabkii uu uga bixi lahaa Bohoshaasi.

Sawirka ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Xassan Sheekh oo doonaayo inuu isku badbaadiyo lacag qiimo yar oo u dhiganta 100$ taasi oo ka dhigan in Xassan Sheekh uusan diyaar u aheyn inuu baxsho dhaqaalihii uu isku furdaamin lahaa.

Sawirkaani ayaa niyad jab ku riday Madaxweyne Xassan bacdamaa uu yahay mid la dagaalamaayo xal u helidiisa Mooshinka laga gudbiyay
godka