Cabdi Qaasim: 2 arrin ka iman waayay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, ayaa ka hadlay marxalada uu ku sugan dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha la gudboon dowlada Xasan Sheikh Maxamuud uu madaxweynaha ka yahay.

Isagoo la hadlayay Tv-ga Universal ayuu sheegay in dalka Soomaaliya uu hadda ka wanaagsan yahay waayihii hore marka lala barbar dhigo, laakiin wali ay jiraan caqabado ku hor gudban dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay muddo badan uu ka maqan yahay dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha ku qasbay.

C/qaasim Salaad Xasan, wuxuu sheegay in dalka uu ka maqan yahay inka badan 10 sano oo uusan kusoo laaban tan iyo markii booska baneeyay.

Waxyaabaha ku qasbay inuusan kusoo laaban dalka ayuu ku sheegay iney tahay inaan loo qaadan inuu xil doon yahay, iyo xaalada amaan ee ka jirta dalka Soomaaliya, laakiin wuxuu xusay in mar walbaa uu la socdo xaalada dalka tallooyinka uu ka dhiibto.