Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa tagay maanta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo saacadihii ugu dambeeyay laga sugayay .
Madaxweyne Gaas oo markii uu tagay magaalada Boosaaso warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay waxyaabaha uu kala soo kulmay dalalka Sacuudiga iyo Ethiopia oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay.
Gaas ayaa sheegay in Ethiopia uu kula soo kulmay madaxda dalkaasi uuna kala arimaha amaanka iyo horumarka deegaanada Puntland.
Dhanka Sacuudiga ayuu sheegay inuu kula kulmay maalqabeeno dooneysa iney maalgashi ku sameeyaan deegaanada maamulkaasi.


