Sawiro: dib u habeyn lagu sameeyey Idaacdadda Koonfur Galbeed

Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed oo maalmihii dambe waday olole ballaaran oo lagu horumarinayo Idaacadda Maamulkaas ayaa sameeyey tallaabo si weyn loo amaanay kadib markii dib u habeyn lagu sameeyey Qalabka Idaacadda iyo qaabka uu u shaqeeyo.

Xaflad weyn oo howshaan lagu furayo ayaa waxay ka dhacday Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed.

Qalabka Idaacadda ayaa wax badan laga badalay sidoo kalana meelo aysan Idaacadda horey u gaari jirin ayaa hadda la gaarsiiyey kadib markii ay ka howlgaleen Ingineero howshaan ku takhasusay.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo khudbad ka jeediyey Xafladda ayaa sheegayo inay arrintaan tahay tallaabo horey loo qaadya isla markaasna ay sii socon doonto horumarka lagu sameenayo Idaacadda Maamulka.

Sidoo kale waxaa Shaqaalaha Idaacadda Koonfur Galbeed la siiyey Tababar socday muddo 3 Maalin ah kaasoo lagu baranayey sidii sare loogu qaadi lahaa Tayada Idaacdda.

Dadweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn usoo dhaweeyey ballaarinta lagu sameeyey Idaacadda Koonur Galbeed oo dadka usoo gudbiso wararka Maamulka iyo horumarada ka socdo deeganadaas.