Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Addis-Ababa iyo tirada dadka ku dhintay

Xalladda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta daggan ka dib rabshado shalay halkaasi ka dhacay.

Magaalada ayaa waxaa laga jaray taleefoonada ka dib rabshadahaasi shalay ka dhacay .

Booliiska dalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in ay xireen in ka badan 700 oo qof oo la tuhunsan yahay in ay rabshadahaasi qayb ka ahaayeen.

Rabshadahani oo sida la sheegay salka ku hayay isku dhacyo qabiil ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 35 qof.

Waxa ay rabshadaha billaabmeen 15 September ka dib markii hogaamiyayaal ka tirsan jabhadii hore ee mucaaradka Oramada ee OLF,ay dalka dib ugu soo laabteen.

Muddo sanooyiin ah ayaa waxay jabhadda OLF ay dagaal ugu jireen sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen aayahada dadka Oramada ah oo ah qoomiyada ugu tirada badan dalka Itoobiya.

Sida ay qortay hay’adda warbaahinta ee Fana Taliyaha booliiska dalka Itoobiya Zeyinu Jemal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen banbaanooyiin ay siteen “Kooxo abaabulan”.

Mr Jemal ayaa intaa ku daray in dowladda ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyiinka lagama maarmaanka ah si loo xaqijiyo ammaanka iyo badqabka dadka.

Warbaahinta Fana ayaa ka soo xigatay taliyaha booliiska Itoobiya in sidoo kale ay dibadbaxyo ka dhaceen Arba Minch.

Rabshadaha soo noqnoqday

Tan iyo intii uu xilka la wareegay bishii April, rai’sul wasaare Abiy Ahmed waxaa dalkaasi ka dhacay isbadalo ballaaran.

Tan iyo xilligaai waxaa dalka dib ugu soo laabtay xubno ka tirsan mucaaradka oo horey dibadjoog u ahaa.

Waxaa sidoo kale liiska argagixisada laga saaray dhowr jabhadood oo horey ay dowladda Itoobiya ugu aqoonsanayd argagixiso.

Balse tan iyo intii u xilka qabtay Dr Abiye ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay isku dhacyo iyo rabshado.

Isku dhacyadani ayaa ahaa inta badan kuwa ku salaysan qoomiyado iska soo horjeeda.

Goobaha ay isku dhacyadaasi ka dhaceen waxaa ka mid ah deegaanka Soomaalida oo ay isku dhaceen qoomiyadaha Oramada iyo soomaalida.

Balse isku dhacyada ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa kuwa ay dad badan walaac ka muujiyeen.

Addis Ababa oo ah caasimada Itoobiya ayaa waxa ay sidoo kale xarun u tahay ururka midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.