Arag Sawirro: Soomaalida iyo Oromada oo heshiis ku kala saxiixday Diri-Dhaba

Diri-Dhaba (Caasimada Online) – Kaddib colaado muddo socday oo u dhexeeyey Soomaalida iyo Oromada ayaa u muuqda mid hadda la soo gaba gabeeyey kaddib kulan gacmaha la is qabsaday oo ka dhacay magaalada Diri-Dhaba.

Magaalada Diri-Dhaba oo ah magaalo ay labada qowmiyadood wada dagan yihiin ayaa waxaa maanta kaddib shir la is hor fadhiistay  gacmaha is qabsaday madaxweynaha Soomaali Galbeed Mustafe Cumar, darafkii uu hoggaaminayey iyo u dhaq dhaqaaqaha xuquuqda Oromada, Jawar Maxamed iyo darafkii uu hormuudka u ahaa.

Labada qowmiyadood, Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa dhexmaray dagaalo xuduudda u dhexeeysa ka dhacayey in muddo ah waxa uuna xoogeystay bilowwyinkii ugu dambeeyey.

Walow aan wali warbaahinta loo baahin  qodobada lagu heshiiyey, hadana waxa ay tani u muuqataa bilow iyo necaw nabadeed oo ka curatay deegaanada Soomaalida iyo Oromada.