Sawiro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho soo gaaray iyo Sababta keentay

Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa maanta gelinkii dambe Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulkaas.

Safarka ay mas’uuliyiintaan ku imaadeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo casuumaad u sameeyey si arrinta Galmudug loogu dhameeyo wadahadal.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mas’uuliyiintaan dajisay meel ay u diyaarisay, waxaana la filayaa inay dhawaan ka qeyb galaan kulan uu Madaxweynaha hoggaaminayo oo loo qaban doono madaxda Galmudug ee is khilaafsan.

Madaxda Galmudug ayaa is khilaafsanaa muddo, waxaana dowlada Soomaaliya lagu eedeeyey inay iyada sabab u aheyd Khilaafkaas sida uu sheegay Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta isna soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qeyb geli doonaa Shirka madaxda Maamul Goboleedyada Berri uga furmi doono Magaalada Muqdisho

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada: