Xog: DF oo wadda qorshe cusub oo looga hortagayo musuqa canshuurta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa digniin culus kasoo saaray dadka caqabada ku ah bixinta canshuurta.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dooneyso inay ka maaranto dhaqaalaha ay bixinayaan beesha caalamka waxa uuna tilmaamay inay ku filan tahay lacagta canshuurta oo keliya.

Waxa uu Beyle sheegay inay aad u yartahay tirada dadka bixiya lacagta canshuurta waxa uuna ku baaqay in cid waliba ay isku xil qaanto bixinta lacagaha.

Waxa uu tilmaamay in qorshaha dowlada Federaalka uu yahay Hanaan cusub oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qaadi doonto Canshuuraha dalka.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay ku dadaaleyso in ay caddeyso halka ay ku baxaan Canshuuraha laga qaado Shacabka Soomaaliyeed, sida uu halka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray Beyle, in qorshaha cusub ee dowlada uu yahay sameynta hanaan qof walba uu ku tagaayo Bankiga dhexe, islamarkaana uu ku bixinaayo Canshuurta lagu leeyahay ,iyadoo aysan cidna ka qaadin.

Sidoo kale, Beyle ayaa carab dhabay in dadka Soomaaliyeed ay walaac ka qabaan lacagaha Canshuurta ee laga qaado.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani cusub ee socda ayaa meesha ka saari doona lacagaha canshuurta ee sida dadban loo musuqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com