Xog: Maxaad kala socotaa kulamada C/Weli Gaas uu ka wado Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan kawaday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, oo uu ku sugan yahay, si uu uga qeyb galo shirka ay dowladda ku baaqday.

C/Weli Gaas, ayaa waxa ay kulamada kala dhexeeyan Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland.

Kulanka C/weli Gaas iyo Xildhibaanada ayaa salka ku hayay is weydaarsi ku aadan shirka la filayo in maanta oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo lagu waday inuu furmo maalintii Sabtida aheyd, balse dib u dhacay.

Qodobada ay culeyska ku saarayeen kulamadooda ayaa waxaa kamida ahaa sida laga yeelaayo haddii ay dowlada Federaalka la timaado qodobo aysan qaadan karin Puntland, iyo sidii xal loogu heli lahaa.

C/Weli Gaas ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay ku feelan maamulka Puntland oo mas’uul ka ahaa doorashadii ay kusoo galeen labada aqal, ayna taageero u muujiyaan haddii ay is qabtaan dowladda dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Madaxda Qaranka iyo Maamul Goboleedyada oo dhammaantooda ku diyaarsan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com