Sawiro: Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo & Al-Sisi?

Muqdisho (Caasimad Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa wadahadallo lagu sii xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Masar ayaa isla soo qaaday qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyada oo la sii wanaajinayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in DFS ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo hormar intaas ka buuran.

Madaxweynaha Masar Al-Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kasoo baxay in si wada jira loo adkeeyo xiriirka labada dal iyo in laga wada shaqeeyo dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Al-Sisi, ayaa Shiinaha u jooga ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo si toos ah u furmaya berri.