Sawiro: Muqdisho oo isu bedeshay Magaalo kala xiran & isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka oo sii adkaanaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa isu bedeshay magaalo kala xiran oo si weyn ay u adkaatay in dadka iyo gaadiidka ay isu socdaan kadib markii jidgooyo fara badan lagu soo kordhoyey.

Qaar ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoona dadka Shacabka ay lugeynayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa keentay in dad badan ay dhibaato ku noqoto inay gaaraan goobahooda shaqada iyo wxaxbarashada.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada ammaanka ay dadka shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka. Dad badan ayaa habeennadii ku xaryirma qeybaha loo kala xiray magaalada oo ay ku adkaatay inay guryahooda gaaraan, taasoo dhalisay inay hoteello seexdaan ama guryo raadsadaan.

Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir, Hawlwadaag, Geedjaceyl, Sanca, Afarta Jartiin iyo dhawr kale oo ka mid ah Isgoysyada ka yimaado dhanka wadada wadnaha. Dadka qaar ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay khad cagaaran u sameysay caasimadda.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo xaalada amni ee ay gashay caasimadda oo ah tii ugu xumeyd in muddo ah.