Sawirro: Muxuu ku saabsanaa kulankii weynaa ee dhex maray Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Axmed Madoobe oo  ah madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo  shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo uu ku yeelanayo Muqdisho wuxuuna Xalay booqday guriga uu Muqdisho ka dagan yahay madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Axmed Madoobe oo la aaminsanaa inuu taagero u ahaa Xasan Shiikh Maxamuud  markii ay  sidaas ka dalbaday Dowladda Itoobiya ayaa kulan is wareysi la qaatay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan si rasmi ah u wareejiyay xilka Madaxweynaha kadib markii looga guuleestay doorasho ka dhacday Muqdisho.

Axmed Madoobe  oo kamid ahaa dadkii taageersanaa  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyey una aqbalay natiijadii kasoo baxday Doorashada oo uu ku guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ugu baaqay Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee maamula Goboleedyada e in ay soo dhaweeyaan madaxweynaha cusub si uu wadanka u gaaro horumar iyo barwaaqo.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuna berri ka qeybgeli doonaa xafladda weyn ee lagu caleema saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com