Xog kusoo korortay hubka ay dowladda Ethiopia ka dejisay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Ethiopia ayaa Hubka noocyadiisa kala duwan ku daabuleysa magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.

Hubka ayaa la sheegay in badankii laga dajiyay Garoonka magaalada Kismaayo isla markaana uu ahaa mid ku socday Maamulka Jubbaland.

Hubka ayaa waxaa ku jira noocyada casriga ah oo ay kamid yihiin nooca loo yaqaan Anti-tank oo aan laga helin suuqyada lagu iibiyo Hubka ee Somalia iyo Keydadka Hubka DFS.

Ujeedka Hubkaani ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ay Dowlada Ethiopia ku hubeyneyso maamulka Jubbaland si ay ugu awood sheegato Dowlada Somalia ee cusub maadaama ay ka weecatay xiriirka ka dhexeyn jiray Ethiopia iyo Dowladihii hore ee ka talo qaadan jiray Dowlada Ethiopia.

Noocyada Hubkaani ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa sida ba’an loogu gumaado Shacabka oo ay ku jiraan qoryaha Baasuukaha iyo qoryo kale oo casri ah.

Waxaa hubka lagu daabulaayo magaalada Kismaayo ku jira miinooyinka casriga ah ee loo yaqaan C4 oo laga helo suuqyada Madow ee aanu xorta aheyn sida suuqyada Ukrenia.

Waxaa kaloo kamid ah shixnadaha Hubka ay diyaaradaha Ethiopia ku daabulayaan magaalada Kismaayo qoryaha loo yaqaan RBG-7 oo nooca danbe ah isla markaana tirro ahaan lagu sheegay 350.

Sidoo kale, waxaa qoryaha ay Ethiopia ku daabuleyso magaalada Kismaayo kamid ah qoriga loo yaqaan AT14 oo haddii la adeegsado aanu suuragali karin in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowlada ay galaan aagaasi.

Dowlada Ethiopia ayaa ka feejigan in dalka Somalia ay ka dhalato Dowlad Qaran, iyadoo taa ula gol leh baabi’inta awooda Qaranka Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa fashilinta Dowlada Cusub u adeegsaneysa Maamul Goboleedyada oo Dowladaasi ka hela dhaqaale aan sidaa usi badneyn, waxa ayna tani suuragalinkartaa hoos u dhac ku imaada halkii laga filaayay awooda Dowlada Somalia.

Geesta kale, Korneel C/wahaab oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee jubooyinka, ayaa cadeeyay in Dowlada Ethiopia ay arrimo halis galinkara ka dhexwado jubooyinka, waxa uuna carab dhabay in si joogta ah magaalada Kismaayo looga soo dajiyo Hub Casri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com