Sawiro: Safiirka USA ee Somalia oo deeqdii diyaarada siday ku wareejiyay Taabid

Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada: