Sawiro: Somaliland oo shir caalami ah kaga qeyb gashay dalka Portugal

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, ayaa shir caalami ah kaga qayb galay magaalada Cascais, ee dalka Portugal.

Shirkan ayaa lagu magacaaba ‘Horasis Global Meeting’, waxana ujeedkiisa ahaa in lagaga hadlo is dhex-galka dunida iyo isku xidhnaanshaha maalgashi ee dunnida.

Shirkan ayaa Somaliland lagu casuumay, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 800 oo qof, kuwaas oo iskugu jiray madax iyo maalqabeenno dunnida ka kala socday.

Wasiirka wasaaradda maalgashiga Maxamed Axmed Cawad ayaa waxa uu shirkaa ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo taariikhada Somaliland iyo ilaha maalgashi ee ay leedahay.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday sharaxaadda marxaladihii kala gadisnaa ee ay soo martay Somaliland iyo halka ay maanta marayso, sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay fursadaha Maalgashi ee ka jira Somaliland, sida Macdanta iyo tamarta, kalluunka, beeraha, xoolaha, beeyada IWM, waxa kale oo uu xusay wasiirku in Somaliland leedahay waxkasta oo suura-galinaya maalgashi.

Shirkan ‘Horasis Global Meeting’, ayaa ah shirka ugu wayn caalamka ee ay iskugu yimaaddaan hogaamiyayaasha iyo ganacsatada caalamku badankooduba.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com