Xog: Hanti-dhowrka guud ee Somaliland oo ku kacay musuq-maasuq xooggan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xog ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaysa in Guddoomiyaha Hay’adda Hanti-dhowrka guud ee Somaliland uu ku kacay falal Musuq-maasuq.

Guddoomiyaha Hanti-dhowrka guud ayaa lagu magacaaba Axmed Yuusuf Dirir, waana xubinta ugu sarreysa ee Madaxweyne Muuse Biixi u igmaday ilaalinta iyo dabagalka hantida umadda.

Xogta aan helayno ayaa xaqiijineysa in Guddoomiye Axmed Yuusuf uu lunsaday lacag loogu tala-galay howlo shaqo, iyo weliba kala bar mushaarka shaqaalaha Xafiiska Hanti-dhowrka guud, lacagtan uu musuq-maasuqay guddoomiyuhu ayaa dhan 444,000 oo dollar.

Waxaana Xafiiska Hay’adda Hanti-dhowrka guud soo food-saartay maamul xumo intii uu Madaxweyne Biixi u magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Axmed Yuusuf, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen shaqaale kamid ah Hay’adda Hanti-dhowrka guud.

Dhinaca kale, Guddoomiye Axmed Yuusuf ayaa Hay’adda Hanti-dhowrka kusoo ururiyey mas’uuliyiin uu kusoo xushay hab beel, taasi oo kasoo horjeeda hanaanka xulasho shaqaale ee Hay’addan.

Halkan hoose ka akhriso liiska Mas’uuliyiin uu magacaabay Guddoomiye Axmed oo ay isku hayb yihiin:
La-taliyaha gaar ah ee guddoomiyaha: Beesha habar Awal/Sacad Muuse
Isku-duwaha guud: Beesha habar Awal/Sacad Muuse
Agaasimaha hay’adda: Beesha habar Awal/Ciise Muuse
Agaasimaha qorsheynta: Beesha habar Awal/Sacad Muuse
Agaasimaha maamulka iyo dhaqaalaha: Beesha habar Awal/Sacad Muuse
Agaasimaha diiwaan-gelinta: Beesha habar Awal/Sacad Muuse

Hay’adda Hanti-dhowrka guud ayaa ah Hay’add dowli ah sida ku cad qodobka 145-aad ee Dastuurka Somaliland, waana Hay’add aan cid gaar ah ama beel qudha kooto loogu xidhi karin.

Si kastaba, Hanti-dhowrka guud ayaa ah Hay’adda u sareysa ee la dagaalanta Musuq-maasuqa laamaha kale ee dowladda, balse haddii iyadii gudaheedi falal Musuq-maasuq ka dhacayo, waxaa shaki gali kara hufnaanta shaqo ee Hay’addan iyo shaqadii ay u igmaneyd ee ilaalinta hantida umadda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com