Somaliland oo Salaad roob-doon ku dhawaaqday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ku dhawaaqay in maalinta Axadda ah ee Toddobaadka soo socda Deegaanada Somaliland laga tukan doono Salaad Roob-doon ah, maaddaama oo Raxmaadkii Alle dib u dhacay, iyada oo Biyo la’aan baahsana ay ka jirto inta badan Degaanada Somaliland.

Wasiir Sheekh Khaliil oo maanta Warbaahinta kula hadlayey Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo arrimaha ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waxaad ka war qabtaan in biyo la’aani ka jirto Gobollada Bariga, Gobollada dhexe iyo Gobollada galbeedkaba, maaddaama oo aynu nahay Ummad Muslim ah, sidan oo kale oo marka Roobku uu dib u dhaco wuxuu Rasuulka Suubani (SCW) ina faray inaynu u tukano Illaahay SW”.

Waxa uu intaas ku sii daray Wasiirku “Sidaa darteed Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaan farayaa inay Alle ka cabsadaan, u toobad keenaan, isna saamaxaan, kana qayb-galaan Salaadda Roob-doonta oo ka dhici doonta dhammaan Gobollada Somaliland maalinta Axadda ee foodda inagu soo haysa oo bisha April tahay 4, kuna beegan 9-ka bisha Shacbaan-1440, Saacaddu markay tahay 9:00 Subaxnimo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com