Sawirro: Aadan Madoobe oo xarumaha lix guddi oo BF…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu guddiyada ku dhiiri-geliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la-xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda.

Guddiyadda shalay sida gaar ah u kormeeray waxaa kamid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uu ku wehlinayay guddoomiyaha golaha Aqalka.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.