Sawirro: Booliska oo war ka soo saaray khasaaraha qaraxii ka dhacay KM4 – Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin looga bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof.

Qaraxa ayaa waxa qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin, kuwaasi oo ka yimid dhanka Tarabuunka, kuna sii jeeday Isgoyska Zoobe.

“KM4 agagaarka xarunta CID-da, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa  kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Qaraxaas waa la garan waayey waxa uu ka dhashay, waxaana loo badinayaa in gaariga ATMIS uu ka dhashay, sida ay Caasimada Online la wadaageen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Taliska booliska oo weli ku jaha wareersan nooca qaraxaas ayaa qoraalkaan ku yiri, “Qaraxa ayaa ka dhashay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.”

Booliska ayaa intaas ku sii daray inay socdaan baaritaano lagu ogaano waxa sababay qaraxaas, 3-da qof oo ku dhaawacmay qaraxaas waxay ahaayeen gabdho laamiga geeskiisa Qaad ku iibinayey.

“Waxaa dadkii gurmad u fididiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadda waxaa socota baaris la xariira sababta, wixii ku soo kordhana dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Hodan oo goobta soo gaaray daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay wuxuuna la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in khasaaraha nafeed ee qaraxaas ka dhashay uu ku egyahay dhaawaca 3-da hablood.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan wuxuu sheegay in gaarigii uu qaraxaasi qabsaday ee ciidanka ATMIS aysan waxweyn gaarin oo lugihiisa uu ku socon karo.

Waxaa dib loo furay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee waddooyinka soo gala Isgoyska KM-4, oo markii hore ay xirteen ciidanka ATMIS kadib markii uu dhacay qaraxa.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka nabdooneed qaraxyadii ay geysa jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah dagaalka gobollada dalka uga socda kooxda.