Sawirro: Soomaaliya oo dib u billowday xiriirka dalka horseeday guuldarradii dagaalkii 77

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya.

Dowladda Cuba ayaa oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii.

Xiligaas dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xiriirka u jirtay Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyagoo garab-siinayey ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan dagaalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa nuqul ka mid ah warqahada aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjire cusub oo dowladda Cuba ay u soo dirsatay Soomaaliya.

“Kadib markii la aasaasay xiriir diblomaasiyadeed intii u dhaxeysay 1972-1977, waxaan soo dhaweyneynaa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Cuba oo lagu maamulayo iskaashi iyo is ixtiraam,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka Wasiir Abshir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa sharaf ii ah inaan ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Cuba u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Juan Manuel Rodríguez.”

Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor.

Ruushka oo isku xilli ay xiriirka u jartay Soomaaliya isaga iyo Cuba, weli dib uma furan dafaaradiisii Muqdisho, balse burburkii kadib wax un cilaaqaad ah waa dhex mareen qaar kamid ah madaxdii soo hoggaamisay dalka.