Sawirro: Saraakiil ka tirsan AL-SHABAAB oo lagu soo bandhigay CEELDHEER

Ceeldheer (Caasimada Online) – Laba sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, labada nin mid ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda, halka kale la qabtay isagoo dhagar maleegaya.

Xussen Daahir Maalin (Dhagey) oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab uga biiray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, isla markaana hoggaaminayay dhowr weerar kooxdu ay ku qaaday qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer.

Sidoo kale Ciidanka Gorgor ayaa soo qabtay sarkala kale oo lagu magacaabo Calas Ibraahim Axmed Barre oo kooxda uga biiray degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ninkaan ayey saraakiishu sheegeen in markii la qabtay uu qorsheynayay inuu dhibaateeyo dad aan waxaba ka galabsan.

Raggaan ayaa warbaahinta loo soo bandhigay sawirradooda iyagoo katiinadeysan, waxaana lagu hayaa degmada Ceeldheer, saraakiishu waxay noo sheegeen in loo gudbinayo Muqdisho, si loo maxkamadeeyo ama loo dhaqan celiyo.

Iyadoo uu socdo abaabulka wajiga labaad ee dagaalka ay dowladdu ku qaadeyso Al-Shabaab ayaa waxaa sii badana xubnaha ka soo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.

Maanta ayaa sidaan oo kale koonfurta gobolka Mudug looghu soo bandhigay laba nin oo kasoo goosatay Al-Shabaab, halka maalin ka horna isla furimaha koonfurta Mudug lagu soo bandhigay laba kale.

Dhinaca kale ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa la wareegay goobo ay Al-Shabaab godad ka qoteen.

Goobahaas waxaa laga soo sheegay khasaare howlgalkaas lagu gaarsiiyey kooxda, sida ay tebisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab L/Xidigle Cabdulaahi Mustaf oo howlgalkaas hoggaaminayey.