Sawirro: Ciidamada DF oo mushahar la’aan darteed uga soo baxay Sh/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamadii ugu badnaa meletariga Soomaaliya ayaa isaga baxay saldhigyo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada la sheegay inay iskugu yimaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray degmada Balcad, waxaana saaka dhaqdhaqaaqooda laga dareemayaa degmada iyo naxaaxigeeda, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ciidamada ugu badan ayaa isaga soo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Qalimow iyo deegaanka Garsaale oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Deegaanada qaar oo ciidamada ay kasoo baxeen ayaa wararka aan ka heleyno waxay sheegayaan in ciidamo kale oo meletariga dowladda ka tirsan iyo ciidamada AMISOM ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay isaga soo baxeen deegaano ka tirsan degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar, waxaana ay ku sugan yihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha qaar ee hogaaminaya ciidamada ayaa sheegay inay heysato mushaar la’aan islamarkaana ay ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan gadoodkooda, maadaama ciidamada ay yihiin kuwo diiwaan gashan.

Ciidamada isaga baxay saldhigyo badan oo gobolada Shabeelooyinka ka tirsan ayaa horey kaga cabanayay inay heysato mushaar la’aan, waxaana dowladda ay horey u shaacisay inaysan jirin ciidamo diiwaan gashan oo waayay mushaaraadkooda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeen hore sheegay in Ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee isaga baxaya saldhigyada aysan u diiwaangashaneyn dowladda Soomaaliya, waxaana uu amar ku bixiyay in la diiwaangeliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com