31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Arag Sawirrada: Ciidamo Kenyan ah oo ka baxay Kismaayo iyo kuwa beddelay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Go’aan kasoo baxay Wasaarada Gaashandhiga dalka Kenya ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Militeriga dalkaasi ee ku sugnaa Magaalada Kismaayo.

Ciidan tiradoodu dhantahay 140 askari oo kamid ahaa ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa dalkoodii dib loogu celiyay kadib markii ay in muddo ah ku sugnaayen furumaha Ciidanka, Dekada, Garoonka Kismaayo, Goobweyn, Yontooy iyo Buula gaduud.

Sidoo kale, Ciidankaani bedelka lagu sameeyay ayaa waxa ay Magaalada Kismaayo soo galeen Bishu marka ay aheyd September 2013.

Taliyaha qaybta labaad ee AMISOM General walta Raria oo munaasabada lagu sagootinaayay Ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay Kismaayo joogeen mudo dhan sanad iyo sadax bilood ayna ahayd in la badalo Bishii September balse howlgalo militeri oo socday darteed xiligan soo gaadheen.

Ciidankan ayaa Kismaayo ka duulay kadib markii ciidankii cusbaa ee badali lahaa Kismaayo soo gaareen.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News