Muqdisho (Caasimada Online) – C/kariin Xuseen Guuleed, oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa iminka ah shaqsi ka awood badan dhammaan Wasiiradda Xafiiska jooga, iyadoo Dhaqaalahiisa iyo Awoodiisa ay yihiin kuwa u dhigma tan Madaxweyne Xasan Sheekh.
C/kariin waa La-taliyaha Xasan Sheekh, balse waa Madaxweyne qarsoon marka la eego Awoodiisa qarsoon iyo tan muuqata, oo hadda si aad ah looga dhex dareemayo Hay’adaha Fulinta dalka.
Wuxuu saaxiibo dhaw la yahay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu maamulaa dhaqaalaha Deeq Bixiyaasha iyo Dowladaha ay siiyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa intaasi u dheer inuu degan yahay Gurigii uu ku noolaa markuu Wasiirka Amniga ahaa.
Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran iyo midka Hanti-dhowr ayaa isku dayay inay C/kariin Xuseen Guuleed ay ka qaadaan Hantidii uu haystay Markii uu joogay Wasaaradda Amniga, si ay ugu wareejiyaan Wasiirka Cusub ee Amniga Khaliif Axmed Erig, balse waa taas waa lagu guule darreystay.
C/kariin waxa uu isku arkaa inuu yahay Shaqsi ka awood badan Hay’adaha la xisaabtamaha Wasiiradda markii lagu tuhmo inay Hantida Qaranka lunsadeen, waxaan taasi daliil u ah inuu hadda haysto Labo Gaari oo Nooca aan Xabadda karin (Bullet proof) oo loogu tala galay Wasaarada Amniga Mas’uulkii loo soo magacaabo.
Wuxuu haystaa Ciidan ka badan kuwa ay haystaan Wasiiradda shaqeynaya, wuxuuna qaataa Dhaqaale ka badan kan la siiyo Wasiir kastaa oo kamid ah Xukuumadda, waxaana taasi usii dheer inuu maamulo Safiirada Dibadda ah iyo Dhaqaalaha la siiyo DFS.
Xeer ilaaliyaha iyo Hanti Dhowraha Qaranka oo Xilalkooda wali la isku haysto ansax ahaanshahooda oo xitaa Hant dhowraha wali aan Baarlamaanka ansixin ayaa ku guul daraystay inay la xisab tamaan Ragga ku wareegsan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isha: KON

