Walaweyn (Caasimada Online) – Ciidanka Danab ayaa maanta gurmad u sameeyey qoysas ay ka shahiideen geesiyaal ka tirsnaaa Danab, waxayna u qeybiyeen raashin.
Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab Cabdullaahi Mustaf Cali {Madaala-Qaran} iyo madaxa arrimaha bulshada ururka 4-aad ee Danab ayaa maanta degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose ku booqday qooysas ay ka shahiideen qaar ka mid ah shuhadadii ciidanka Danab.
Taliye ururka 4-aad ee Danab ayaa qoysaskaas u balan qaaday in laga war qabi doono xaladda qoysaskaan, isagoona carabka ku adkeeyey in saaxiibadii ay Danab ka wada tirsanaayeen ee shahiiday ay ahaayeen geesiyaal Qaran.
Booqashadaan ayaa imaaneysa xilli dalka oo dhan uu ku jiro dagaal Khawaarij iska xoreyn ah oo lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
Ciidanka Danab oo ah kuwa ugu tababarka fiican militeriga Soomaaliya, ayaa waxaa tababara oo maamulkooda gacanta ku haya Taliska ciidamada Mareykanka ee AFICOM.
Danab, waa ciidan is fahamsan oo lagu soo xushay karti iyo aqoon, waxaana la siiyey tababar culus, taasi waxay ka dhigtay ciidanka loogu jecelyahay howlgalladooda oo kooxda Al-Shabaab ay ugu necebtahay.
Ciidamada Danab ayaa iska kaashada duruufaha gaarka ah, xiliyada adag oo qaarkood ay dhaawacmaan ama dhintaan, taas oo naadir ku ah ciidamada Soomaaliya.
Howlgalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab waxay Danab u tahay laf-dhabar, waxayna kooxda Al-Shabaab u geystaan duqeymo iyo dagaal toos ah, markii ay isku qabtaan furimaha dagaalka, taas oo Danab ka dhigtay ciidanka ay ugu necebyihiin militeriga Soomaaliya.