Sawirro: Ciidanka Somaliland oo dhoola-tus cajiib ah ka sameeyay xuska 18 May

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 31-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibadda ayaa waxaa lagu qabtay barxadda fagaaraha, waxaana ka qeyb-galay Madaxweynaha, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska iyo dunida uga timid ka qayb-galka munaasibadda iyo taliyeyaasha ciidamada.

Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta qarannimada ee 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Ciidamada ayaa gaaddo-ka-ciyaar xirfadi ka muuqato goobta kusoo bandhigay, waxay sidoo kale goobta kusoo bandhigeen gaadiid kala geddisan oo casri ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen gaadiidka kaarayaasha iyo noocyada kale ee hubka cul-culus xambaara.

Munaasibaddan ayaa aheyd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ciidamada kala duwan ee Somaliland kusoo bandhigeen dhoola-tus cajiib, taasi oo ay bulshada reer Somaliland ee halkaas ku sugna ay si weyn ugu riyaaqeen.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa waxay sanadihii dambe horumar ka sameysay dhinacyo badan, inkasta oo illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan.