Sawirro cusub: Dhimashada Qaraxii galabta ka dhacay Hoteel Wehliye oo korortay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax Gaari ayaa abaare saacadu marka ay aheyd 04:30-PM oo galabta ah waxa uu ka dhacay afafka Hore ee Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo loo yaqaan ‘’Saruf’’, kaa oo la dhigay goob lagu shaaho oo kasoo horjeeda Hoteel Wehliye.

Dad ka badbaaday Qaraxa oo goobta Shaax ku iibiya balse waxyeelo yar yar ay soo gaartay oo inala hadlay ayaa sheegay in halkaasi uu soo istaagay mar qura nin kaxeynayay gaari, kadibna uu qarxay.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan 18, halka dhaawacana la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan 9 ruux oo shacab u badan.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxayna Ciidamada xireen aagga uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo baaritaano halkaasi ka wada.

Saraakiisha Gaadiidka deg deg ah ee Ambalaasta oo aan la hadlay ayaa inoo sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda caafimaadka, kuwaasi oo qaaday dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Qarax kan lamid ah ayaa waxa uu isla goobtaas ka dhacay 11-kii bishii September 2017-kii kaasi oo dilay inka badan 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen 9 kale, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka.