Daawo Muuqaalka: Sida uu ahaa Jawiga eeryada Hoteel Wehliya Qaraxa ismiidaaminta kadib

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa,  ayaa goor-dhaw ka dhacay afafka hore Hotel Wehliye oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Gaari uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo galabtii si aad ah loo soo camiro, sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo ganacsi sida Dukaaman, goob Timaha lagu jarto iyo waliba Bakhaaro.

Gaariga qarxay oo nuuciisa lagu sheegay kuwa raaxada ee loo yaqaan ‘’Safur’’ ayaa waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo halkaasi galbihii u taga sheeko iyo Shaax, balse galabta ay halkaasi ay dhibaato ku qabsatay.

Khasaaraha dhimasho oo markii hore ahaa ilaa 14, ayaa hadda gaaray ilaa 18 oo ay ku kordheen dad ku dhintay Isbitaalada.

Dhaawaca ayaa kor u dhaafaya ilaa Lix iyo tobon waxaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan kuwo oogadooda uu dab qabsaday.