Ra’isul wasaare Kheyre oo amar adag duldhigay Hay’adaha amaanka ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeynaya dadkii ku geeriyooday  qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye.

Ra’isul wasaaraha ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho”

Ra’isul wasaaraha ayaa intaa ku daray “Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.”

Ra’isul wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com