Saraakiil & Khubaro cadaan ah oo ka qeybqaadanaya baaritaanka Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee baara Qaraxyada ayaa wada baaritaanka weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil u hadashay Taliska qeybta baarista ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeybqaadanayaan Saraakiil Cadaan ah.

Saraakiisha ayaa sheegtay in baaritaanka socda uu qaadan doono maalmo kooban, waxa ayna tilmaameen in Qaraxa uu ahaa mid aad u tan culus.

Ciidamada Booliska ayaa shalay gelinkii dambe la arkayay iyaga oo tagay goobtii uu qaraxa ka dhacay, kadibna calaamadeeyay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay iyo in ay qaateen aaladaha yar yar ee biraha ah halkaasi yaallay, kana dhashay qaraxa.

Sidoo kale saraakiisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa.

Dhinaca kale, Baaritaankaan oo ah mid caalami ah oo la mid ah midka aduunka lagu baaro Qaraxyada noocaan oo kale ah, ayaa Booliska wuxuu weli ku guda jiraa cadeynta sida ay wax ku dhaceen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com