Gudiga difaaca BF oo digniin culus kasoo saaray khilaaf siyaasadeedka iyo amniga dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay jiraan khilaafyo dhanka Siyaasada ah oo u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa mar kale khilaafka ceynkaasi ah ka hadlay Gudiga difaaca Golaha Shacabka Somalia.

Guddiga oo dhinacyo badan ka eegaaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ayaa si weyn waxa uu uga digaya in uusan amniga dalka saameyn ku yeelan khilaafka jira.

Guddiga ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid kusii siqaaya heer xun, waxa uuna ka digay in arrimo Siyaasadeed loo qalqal galiyo dalka.

Waxa uu gudiga difaaca Golaha Shacabka ka digay in ay amniga xiisadaas ka taagan dalka saameyn ku yeelato, waxa ayna carab dhabeen inay mudan tahay in xili hore laga hortago.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaas ayaa sheegay in khilaafaadka jira dhanka dastuurka lagu dhameyn doono,isla markaana uu rajeynayo in aysan hor istaagi doonin howlgallada amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan.

Geesta kale, waxa uu Guddiga dadka shacabka ah ugu baaqay inay wataan howlahooda isla markaana aysan ku mashquulin wixii ku xeeran Siyaasada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com