Xarunta irshaad  oo soo agaasintay dood cilmiyeed ku saabsan (Kaalinta Dasruurka ee nidaaminta Nolosha Bulshada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta irshaad oo kaashanaysa wasaarada arimaha dastuurka xukuumadda federka ee soomaliya ayaa soo agaansintay kulan looga hadlayo dood cilmiyeed ciwaankeedu yahay (kaalinta dasruurka ee nidaaminta nolosha bulshada).

Kulankaan waxa ka soo qeyb galay siyaasiyiin,  aqoonyahano, khuburo,  culima u diinka, barayaal jaamacadeed, sharci yaqaano Iyo dhalinyaro

Kulankaan waxa aad loogu lafa guray falsafada dasruurka , mabaadi’ada ,wacyiga bulshada iyo sida ay tahay in looga dhaadhiciyo dadka aan fahansanayn.

Waxa laga dooday fikradaha isdiidan ee la xiriira dawlad dhisida, taariikhda dimuqraadiyada, hidaha$ dhaqanka sooyaalka dasruurka soomaalida iyo sidoo kale xalinta khilaafaadka.

Ugu danbayn kulaankaan ayaa ka soo qeyb galayaashu isla meel dhigeen in la xoojiyo wacyigalinta , aqoon iswaydaarsiga ,sibinaarada

waxaana aad loo bogaadiyay xarunta irshaad  oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeedkaan. …

———-Dhamaad———

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA XARUNTA IRSHAAD.

Email: irshaad center@gmail.com

CONTACT— 252613103010