Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa heer gabagabo leysla gaaray shirkii u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Odayaasha dhaqanka maamulka Gobolka Hiiraan oo muddo Seddex maalin ah ka socday magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xassan oo shalay aan guul ka gaarin shirkii uu la qaatay Odayaasha ayaa maanta dib u bilaabay kulamada, waxa uuna Magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay Shan Odayaal dhaqmeed, kuwaasoo ay kawada hadleen shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Odayaasha dhaqanka ee kulanka la yeeshay madaxweynaha ayaa sheegay in go’aan ka gaarista shirka Jowhar muhiim tahay in ay u dhan yihiin guud ahaanba Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, sidaa awgeed loo baahan yahay in madasha wada-tashiga lagu soo celiyo Ugaasyada kale ee ka maqan.
Inta uu kulanka socday Odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday madaxweynaha in la siiyo waqti kooban oo ay ku qanciyaan Ugaasyada ka biyo diidan qorshaha dowladda, waxaana kulan saacado badan qaatay oo ka dhacay hotelka Hiiraan markii danbe uu ku soo dhamaaday guul-darro, kaddib markii Ugaas Xassan Ugaas Khalif oo ay wehliyaan Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed ka soo horjeesteen wadda-hadal mar kale laga yeesho arinta shirka Jowhar.
Shirka lagu soo kala kacay kadib ayaa waxaa Saxaafada la hadlay ilaa 5 Odayaal dhaqmeed iyo Wasiir Odawaa oo si wada jir ah u sheegay in leysku afgartay in shirka Jowhar si dhaqsi ah loo furo.
Odawaa iyo Shanta Oday waxa ay sheegen in is afgaradka uu yahay in lagu laabto shirka Jowhar, balse waxaa ka daba hadlay Odayaal uu kamid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec waxay si wadajir ah u Qaaddaceen go’aanka Ugaasyada kale, iyaga oo sheegay in aysan arintaa ku mideysneyn.
HOOS KA AKHRISO UGAASYADA QAATAY IN SHIRKA JOWHAR LAGU LAABTO:
1-Ugaaska beesha Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi.
2-Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan.
3-Wabarka Baadi-cadde Wabar Max’med Wabar Axmed.
4-Ugaas beesha Jidle, Ugaas C/naasir Ugaas Nuur
5-Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad.
HOOS KA AKHRISO UGAASYADA QAADACAY IN SHIRKA AAN DIB LOOGU LAABAN:
1-Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
2-Ugaas Cali Ugaas Xassan.
3-Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec.
Odayaasha dhaqanka ee uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa markii hore isku mowqif ka ahaa gogosha shirka la keeno Beledweyn iyo in la qabto shir dib u heshiisiin, balse waxaa muuqata in odayaashii horay u mideysnaa inay hada labo dhinac kala noqdeen.
Dowladda Federaalka ayaa adeegsaday qorshayaal ay ku kala fur furtay odayaashii dhaqanka ee horay isku mowqifka ahaa, waxaana la sheegayaa in odayaasha qaar ee heshiiska ogolaaday ay balan qaadyo ka heleen Madaxweynaha.
Geesta kale, Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa iminka laba u kala jabay, Garabka koowaad ayaa saxiixay inay ka qeybgalaan shirka ka socda magaalada Jowhar, Halka garabka kale ay si cad u qaadaceen.









