28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Fanaaniin ka tirsan xidigaha oo Kenya lagu xiray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah fanaaiinta xidigaha Geeska kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Nairobi.

Sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan kooxda Xidigaha geeska waxaa fanaaninta lagu xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lamana oga sababta ka dambeysa xariga ciidamada Kenya u geysteen.

Seddex kamid ah fanaaninka ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii laga shakiyay.

Fanaaniinta ayaa kala ah Mursal Muuse Cumar, Yurub Maxamed Cabdi Geenyo iyo Hodan Cabdiraxmaan , waxaana seddexdooda lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Lama oga waxyaabaha ka dambeeya xariga fanaaninta loogu geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in fanaanada Hodon C/raxmaan lagu helay Decument muujinaya baasaboorka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News