Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa gaaray magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, waxayna shir la leeyihiin madaxweyne C/welli Gaas iyo masuuliyiin kale.
Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabi Afeey iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo doonaya iney Cumar C/rashiid la kulmaan si ay C/welli Gaas kaga badalaan mowqifka uu ku dhegen yahay.
Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa sidoo kale mid ah xubnaha ka tirsan beesha caalamka ee maanta tagay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.
Waxaa haatan ka socdo hoolka shirarka ee magaalada Garowe shir u dhaxeeya Maxbuub Macalin, Maxamed Cabdi Afeey iyo madaxweynaha Puntland C/welli Gaas kaasi oo warbaahinta aan loo ogolaan.
Ra’iisul wasaare Cumar C./rashiid oo magaalada Garowe ku sugnaa saacadihii lasoo dhaafay ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay C/welli Gaas iyo C/raxmaan Faroole si uu kaga dhaadhiciyo ka tanaasulka go’aankoodii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

