24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Xog: Wasiirada IGAD oo ku shiraya PUNTLAND!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee lixda Waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD uu shir uga furmi doono Puntland.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka furmi doono magaalada Garoowe ee Puntland, waxaana lagu wadaa in halkaasi ay gaari doonaan xubno ka tirsan DFS oo howshaani waxkawada.

Ajandayaasha ugu weyn ee shirkaasi looga hadlaayo ayaa ah arrimaha Somalia sida Amniga, Abaaraha, Doorashooyinka la filayo in dabayaaqada 2016-ka ay ka dhacdo Somalia, iyo Siyaasada.

Xubno ka kala tirsan labada Gole ee maamulka Puntland ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qeybgali doonaan Wasiiro dhowr ah oo ay kamid yihiin sida Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda, Sudan, South Sudan iyo Somalia oo martigelinayso.

Shirka oo ay qorsheyntiisa qaadatay muddo bil ah, ayaa waxa uu qorshuhu yahay in furitaankiisa ay ka qeybgalaan Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha oo iminkuba ku sugan magaalada Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkii ugu horreeyey ee ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD ku yeeshaan Somalia wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo, waxa uu ka dhacay Caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho bishii Janaayo 10-dii ee sannadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News