Xog laga helayo kulankii CCC iyo odayaasha P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali oo wali ku sugan magaalada Garoowe, ayaa ku howlan Shirar gaar gaar ah iyo mid guud oo uu la qaadanaayo Odayaasha dhaqanka Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa kulan qaatay ku dhawaad Laba saac la qaatay Odayaasha kaasi oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland, waxa uuna ahaa mid Sharmaarke uu diirada ku saaraayay xal u helida nidaamka 4.5.

Kulanka oo uu furay Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu mar kale Odayaasha sharaxaad ka siiyay sida ay Xukuumadu u daneyneyso in Odayaasha Puntland ay aqbalaan in Somalia mar kale wax lagu doorto 4.5 iyada oo Xildhibaanada lagu soo xulaayo qaab 4.5.

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu Odayaasha ka dalbaday in dhankooda ay ka taageeraan sida maamulka Puntland uu ku qaadan lahaa Nidaamka 4.5, waxa uuna sheegay in Xukuumadu ay dalbaneyso in Odayaasha iyo maamulkuba ay muujiyaan tanaasul, bacdamaa wakhtiga uu yar yarah.
Sharmaarke waxa uu Odayaasha u sheegay in socdaalkiisa uu yahay kaliya mid ku kooban in Puntland ay aqbasho nidaamka 4.5, waxa uuna tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in Odayaasha ay ka go’do go’aanka ka hor inta aan maamulka la gaarin.

Odayaasha oo dhankooda ka hadlay ayaa waxa ay Ra’isul wasaare Sharmaarke u sheegen inay ku adag tahay inay aqbalaan nidaamkaasi waxa ayna si wada jir ah u sheegen in Mowqifkooda uu yahay mid iska cad oo aan u baahneyn tanaasul.

Odayaashu waxa ay sidoo kale, Sharmaarke u sheegen in inta aan la qaadan Mowqifka diidmada ah ay ka tashteen arrintaasi islamarkaana ay usoo baxday inaan la aqbali cudur daar waliba.

Odayaasha waxa ay ku adkeysteen inaan muujin karin wax tanaasul ah, islamarkaana uu mowqifkoodu yahay in doorashada loo maro qaab deegaan, wixii intaa kasoo harana ay u yaqaanaan wax baadil ah.

Kulanka ayaa la soo sheegayaa in Ra’isul wasaare Cumar iyo Odayaasha ay isku fahmi waayen, waxaana lagu wadaa in maanta mar kale uu Sharmaarke kulan guud la qaato Maamulka iyo Odayaasha.

Lama saadaalinkaro natiijada uu Sharmaarke kala soo tagi doono Puntland inkastoo kulan waliba oo uu la qaato Maamulka iyo Odayaasha uu kusoo idlaado is fahan’waa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com