Sawirro: Dhaawacyadii ku dhibaateysnaa isbitaalada Suudan oo la geeyey meelo aad u fiican

Khartuum (Caasimadda Online) – Dhaawacyada la geeyey dalka Suudaan ayaa dhawaan cabasho kasoo gudbiyey daryeel la’aan iyo isbitaalo aan wanaagsaneyn oo la geeyey.

Haddaba wararka hadda naga soo gaarayo Dalka Suudaan ayaa xaqiijinayo in dhaawacyadaas hadda la geeyey isbitaalo tayo leh isla markaasna la xaliyey wixii ay ka cabanayeen.

Howshaan lagu xagaajinayey Xaaladda dadkii dhaawacyada ahaa ee halkaas la geeyey ayaa waxaa iska kaashaday Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Suudaan iyo midka Qatar u fadhiyo halkaas, kuwaas oo ballan qaaday inay wax badan ka badali doonaan xaaldaha ay ku sugan yihiin dhaawacyadaas.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa lagu amaani karaa howsha ugu badan inuu u qabtay dadkaas, maadaama uu isaga u yeeray Safiirka Qatar una sheegay in  sidaan laga badalo xaaladaha Caafimaadka iyo daryeelka la siinayo Bukaanada.

Qaar kamid ah Ehelada dhaawacyada la geeyey Suudaan oo u waramay Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay hadda ku sugan yihiin xaalad daryeel oo aad u wanaagsan iyo Isbitaalo adeegyo fiican leh.

Xildhibaan Adan Isaaq oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa bartiida Facebook soo dhigay qoraal uu dowladaha Suudaan, Soomaaliya iyo Qatar uga mahadcelinayo sida wanaagsan oo ay uga jawaabeen cabashooyinka soo baxay, wuxuuna yiri:

“Waan u mahadnaqayaa intii ka hadashay xaalada walaalaheena loo qaaday Sudan sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Dowlada Qadar iyo Sudan sidi ay uga jawaabeen cabashadii waxaana igu maqaala ah in wax laga qabtay”

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada dhaawacyada: