Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Andrew Elan oo ah Danjire ku-xigeenka Boqortooyada Britain u Fadhiya Somalia.
Andrew Elan iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag” iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland.
Ujeedka socdaalka Danjire ku-xigeenka iyo Wafdigiisa ayaa ah in maamulka ay kala hadlaan arrimaha muranka dhaliyay ee la xiriira natiijada kasoo baxday Shirka wadatashiga Qaran ee kusoo dhamaaday Muqdisho iyo arrimo kale oo la xiriira Siyaasada dalka.
Qorshaha ugu weyn ee Socdaalka Danjire ku-xigeenka Boqortooyada Britain u fadhiya Somalia, ayaa ah in Maamulka Jubbaland lagu qanciyo natiijada shirka iyaga oo loo maraayo xaalada adag ee uu iminka galay dalka.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag” ayaa sheegay in kulankooda uu yahay mid looga arrinsanaayo arrimo ay kamid tahay siyaasadda dalka iyo geedi socodka doorashooyinka dalka ee sanadkan, waxa uuna Fartaag carabka ku dhuftay in socdaalka Wafdigaani uu yahay mid daba socda hadalkii Madaxweynaha Maamulka uu ka shaaciyay warbaahinta ee ahaa in Beesha Caalamka ay ku cadaadisay qaadashada go’aanka ay wadato DFS.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag” oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Beesha Caalamka waxaanu u caddeeynay innagu, reer Jubaland marnaba inaysan ogolayn, raalina ka ahayn 4.5, Laakiin umadda Soomaaliyeed danteeda anagoo xeerineeyno, anagoo kala taga Somali kala tageeyso aan ogolayn, annagoo mar walba u tanaasuleyna Soomaali-nimada, ayaa waxaan u cadeeynay anagoo shacabka reer Jubaland aan weli ka dhaadhicin in aan u tanaasulnay oo aan qaadannay waxwalba oo dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay beesha caalamkuna ku raacday,”.
Ma cadda natiijada kasoo baxday shirka u wada dhexeeyay Wafdiga ka socday Safaarada Britain ee Somalia iyo Maamulka Jubbaland.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA














