Sawirro: Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo uu R/W ROOBLE qaaday maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta garoonka Aadan Cadde, si heer sare ah ugu soo dhaweeyey wafdi ka socda dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, kaas oo uu hoggaaminayey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalkaasi, Shakhbout Bin Nahyaan.

Wafdigan ayaa ka qayb-galaya xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay soo dhaweynta wafdiga Imaaraadka, waxaana lagu sheegay in wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalkaasi uu wakiil ka yahay Madaxweyne Sheikh Maxamed Bin Zayed.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey, waxaana dadaal xoogan geliyey Ra’iisul wasaaraha oo marar kala duwan booqday Abu Dhabi.

Sidee looga falceliyey soo dhaweynta Rooble ee wafdiga Imaaraadka?

Hadal xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay soo dhaweynta wafdiga ka yimid Imaaraadka oo roog cas loo dhigay, waxaana Rooble lagu dhaliilay inuu soo dhoweynta wasiiru dowle u tego garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay joogaan wasiiro la dhig ah ninkaas.

“Wasiiru dowle miyuu reysul wasaarihii dhamaa garoonka u taaganyahay?” ayuu yiri Maxamed Bashiir oo ka mid ah dadkii ka falceliyey.

“Raisal wasare dalka wasiiru dawlo malahan miyaa? .. Waa laga fiicnaa in aad airporka tagto.” ayuu isna yiri Bashiir Khaliif Duceysane.

“Raysal wasaare maqaamkaaga ha iskaga ciyaarin ee wasiirada howshooda haqaban wasiiro maleh miyaa wadanku? dhigiisa in loo diro oo sooo dhaweey la dhaho waala heli karay meelkasta ka muuqo waa lagu muunad beelaa.” ayey iyaduna Binti Karar.

“Wasiiru Dowle ka hooseeya wasiir buuxa sidee Raisul wasaare usoo dhaweeya laakiin?” ayuu falcelintiisa ku yiri Cabdalla Jamaal Qorax Joog.

“Ra’iisul wasaare Mohamed Hussein Rooble waaa horumariyaha Somalia guul ayaan ku rajeynayaa.” ayuu dhankiisa yiri Shaafici Macallin Cabdullahi.