Sawirro: Farmaajo oo gaaray Garoowe iyo xog ku saabsan qorshaha isaga iyo Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiinta kala duwan ee maamulka, ayada oo loo sii gudbiyay Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynihii hore ee dalka iyo Saciid Deni ayaa waxaa u bilaabanaya kulamo wadi tashi, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka beddelka dastuurka oo ay weli ku dhegan tahay Villa Soomaaliya.

Sida aan xog ku helnay Farmaajo iyo Deni ayaa ka hadli doona arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, iyo muranka ka taagan dib u eegista dastuurka dalka, oo labadaba ay kasoo horjeedaan.

Deni iyo Farmaajo ayaa aad u kala fogaa siyaasad ahaan xilligii uu Farmaajo ka arriminayay Villa Somalia, wuxuuna madaxweynaha Puntland ka mid ahaa raggii sida adaga ula dagaalamay Farmaajo, ugu dambeyna ka saaray Villada.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, Farmaajo ayaa isku dayaya xilligaan in Saciid Deni uu ku qanciyo isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay ka wada socdaan madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Labada nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Socdaalka uu madaxweynihii hore ee Farmaajo uu ku tegay Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wararka ayaa shegaya in madaxweynihii hore ee KMG Shariif Sheekh Axmed uu isna tegayo magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa si weyn looga dhursugaya waxa kasoo bixi doona shirarka ay Garoowe ku leeyihiin Farmaajo iyo Deni, kaasi oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo madaxweyne Xasan uu ku dhagan yahay qorshaha wax ka beddelka dastuurka, ayna baarlamaanka ka socoto dooddiisa, si loo meel-mariyo.