26.8 C
Mogadishu
Friday, June 5, 2026

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo daah-furay tartan muhiim ah oo uu maal-gelinayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha oo munaasabadii tartanka lagu daahfuray ka hadlay ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galaya Tartanka Quraanka Kariimka ah ee uu taaba geliyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tartankaan waxaa soo qaban qaabiyey culimada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sida loo daneynayo tartankaan ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Sanadkii hore ayuu madaxweynaha Soomaaliya balan qaaday in sanad kasta uu taaba-geli doono tartan Qur’aan Akhris ah oo loo qabanayo ardayda xaafidul Qur’aanka ah.

Abaalmarino qaali ah ayuu sanadkii hore madaxweynuhu siiyey wiilashii iyo gabdhihii galay kaalimaha hore, kadib markii sidaan oo kale loogu tartamay aqrinta Qur’aanka Kariimka.

Tartankaan oo maalmo ka soco doona Muqdisho ayaa markii lasoo gabagabeeyo waxaa la soo bandhigayaa natiijada, waxaana guuleystayaasha la sii doonaa abaalmarinta uu ugu talagalay Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News