Sawirro: Guuleed oo Xamar kula kulmay la-taliyaha sare ee ka socda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa la kulmay Xamse Warfa oo ah La-taliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka.

Cabdikariin Guuleed iyo Xamse Warfa oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Somaliland iyo sidii taageero caalami ah loogu heli lagaa dib u bilaabidda wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha sare Xamse Warfa iyo dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, sida ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku sii dhiiri-geliyey Soomaalida xilalka ka qabatay dowladaha caalamka inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan dalkooda, si Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag uga helaan dunida.

Cabdikariin Guuleed ayaa tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha  Somaliland wuxuu waday xog uruurin iyo talooyin ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada.

Gudaha dalka magaalooyinkii uu tegay Guuleed waxaa ka mid ahayd magaalada Baydhaba ee Koonfur Galbeed, isagoo talooyinkooda ka soo dhageystay dhaqanka iyo qeybaha bulshada magaaladaas.

Ergayga ayaa weli wada la tashiyada ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallo mar kale ay masiirkooda ka yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Intii uu talada dalka hayey madaxweyne Farmaajo ayey fashilmeen wadahadalladii ugu dambeeyey ee dhex maray dowladda federaalka iyo Somaliland.

Hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u qorsheysan in Somaliland ay la furto wadahadallo ka mug weyn kuwii hore, si natiijo looga keeno gooni isutaagga ay ku dhawaaqday Somaliland.