29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Kulankii golaha sare ee Jaamacadda Muqdisho oo lasoo geba-gebeeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee u socday Golaha Sare (Board-ka) ee Jaamicadda Mogadishu University, oo uu guddoomiye ka Yahay Prof. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.  

Shirkaan, oo ahaa shir looga hadlayey xaaladda waxbarasho ee Mogadishu University iyo sidii loo sii ballaarin lahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Sare ee Jaamacada. 

Waxaa si gaar ah kulanka diiradda loog saaray xaaladda Mogadishu University iyo waxqabadka sanadlaha ah oo la iska waraysanayay, waxaana halkaas khudbado kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Prof. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

“Waxaan soo gunaanadnay shirka board-ka Mogadishu University جامعة مقديشو oo lagu qiimeeyay hawlihii sanadkii hore ee 2022, laguna ansixiyay miisaaniyadda iyo hawlaha sanadka 2023-24,” ayuu yiri Baadiyow. 

“Board-ka wuxuu bogaadiyay maamulka Jaamacadda oo horumar wayn ka sameeyay adeegsiga teknoolojiyada, gaar ahaan furidda online program-ka,” ayuu yiri gudgoomiyaha Mogadishu University Prof. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo halkaas ka hadlay.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan, waxaana la isku raacay, in la saxo wixii dhacay horayna loola socda jaamacadaha caalamka iyo kuwa dalalka dariska ah ee waxbarashada meelo fiican ka gaaray. 

Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi Office, Kenya

- Advertisement -

Read more

Local News